
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faray saraakiisha ciidamada in ay saacad kasta u diyaar-garoobaan dagaallo lagu difaacayo dadka reer Puntland.
Madaxweyne Deni oo hadalka ka jeediyay kulan uu Qardho kula qaatay saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay doonayaan in aysan u ekaan maamullada kale ee dalka oo qaarkood aysan lahayn awood ciidan.
“Saacad kasta oo ciidanka loo baahdo waa in uu diyaar yahay, Puntland dagaallo xaq ah bay galaysaa oo dadkeeda lagu difaacayo” ayuu yiri madaxweyne Deni.
“Waxaan rabnaa suurad ka duwan suuradaha dadka kale in aan yeelano, waxa ciidamada meelahaas kale ka dhacdhacaya in aan marna u ekaan baa la rabaa” ayuu raaciyay.
Hadalka madaxweynaha Puntland wuxuu timid, xilli ay dowladda Federaalka awood ciidan Baydhabo kaga saartay madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, sidoo kalena ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wado dowlad goboleedyada kale.
PUNTLAND POST