Wasiir Madaxaa Nafuran oo loo doortay xildhibaan

Wasiirka dekedaha iyo daadiidka badda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac (Madaxaa Nafuran) ayaa galabta loo doortay kursiga Golaha Shacabka ee HOP204, kaas oo la sheegay in uu bannaanaa.

Doorashada kursigan waxay ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaana qabtay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Wararka ayaa sheegaya in wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu doonayo in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu noqdo Aadan Madoobe, si isaguna u noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Magaalada Baydhabo waxaa ka jira loolan adag oo loogu jiro madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin kala aragti ah oo xil doon ah.

PUNTLAND POST