Puntland: Koonfur Galbeed waxaa lagu qabsaday lacag

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ku qabsaday maamulka Koonfur Galbeed, taas oo uu tilmaamay in la siiyay siyaasiyiinta, saraakiisha ciidamada iyo odayaasha dhaqanka.

Wasiir Qarjab oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Garowe ayaa yiri “wasiir hore oo maamulka Koonfur Galbeed ka tirsanaan jiray oo aan saxiibo nahay ayaa ii sheegay markii Baydhabo la galayay in aan xabbad lagu qabsan ee lagu qabsaday beeso fadee”.

Wasiir Qarjab waxa uu reer Puntland uga digay lacag uga timaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu qorshaheeda ku sheegay mid lagu doonayo in lagula wareego gacan ku haynta maamulka Puntland.

Qarjab ayaa dhawaan sheegay in 1,376 askari oo ku sugan Puntland ay mushaar ka helaan dowladda Federaalka, kuwaas oo sida uu tilmaamay loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka maamulka.

PUNTLAND POST