Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay bilaabayso howlgal ka dhan ah Axmed Madoobe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gobolka Gedo ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan oo cusub, kuwaas oo ka dhan ah maamulka Jubaland ee hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Gedo Col. Aadan Maxamed Siyaad (Dhafoorey) oo ka hadlay degmada Beledxaawo kaddib safar uu kaga yimid Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabayaan howlgal ciidan oo ka dhan madaxweyne Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay nin isku caana-shubay.

Taliye Dhafoorey waxa uu fariin u diray dalalka deriska, isaga oo sheegay haddii gudahooda laga soo weeraro in aysan derisnimo tixgelin doonin oo ay amar ku qabaan in ay tallaabo qaadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada dowladda Federaalka ah ee ku sugan gobolka Gedo in ay si degdeg ah ugu diyaargaroobaan howlgalka ka dhanka madaxweyne Axmed Madoobe.

“Xabad dambe haddii ay nagu soo dhacdo waa dal kale ee ka jooga dhihi mayno, waa is bursanaynaa amar baan u qabnaa, diyaargarow ayaa la galayaa, fasaxa halaga soo laabto” ayuu yiri Taliye Dhafoorey oo meel fagaaro ah kula hadlayay boqolaal ciidamo ah.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Gedo ayaa yimid, xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan la wareegtay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay meesha ka saartay maamulkii uu hoggaaminayay Cabdicasiis Laftagareen.

PUNTLAND POST