Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga Koonfur Galbeed

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka amniga maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan dhacay iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo simanyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka warbixinno faahfaahsan uga dhageystay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka Al-shabaab iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo taageerada ay bulshada u hayaan hay’adaha dowliga ah.

Kulankan, waxaa ka qayb galay madaxweynaha kumeelgaarka meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

PUNTLAND POST