DFS: Waxaan diyaar u nahay in aan Puntland ku garab siino dagaalka Daacish

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Firqi ayaa sheegay in ciidanka Federaalka ee sugan Puntland ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada dagaalka Daacish ee Calmiskaad.

“Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin in ay kuwa maamulka ku garab siiyaan dagaalka Daacish,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Federaalka ee ku sugan Puntland ay khibrad u leeyihiin dagaalka buuraha iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay hore uga soo qaybqaateen dagaalka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad iyo Calmadow.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ay markasta diyaar u ahayd ka qaybqaadashada dagaalka Daacish, hase ahaatee ay siyaasadeysay Puntland oo khilaaf ka dhexeeyay dowladda dhexe.

PUNTLAND POST