Hoggaamiyihii Qeeroo: Jawar yuu ina mooday?!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Soomaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!

Marka laga hadlayo qowmiyadaha ku nool Geeska Afrika waxay Soomaalida badankeed ku qalbi santahay qowmiyadda Oromada, heer ay qaarkood gaarsiiyaan inay yihiin dad Walaale Soomaaliyeed ah, oo waxyaabo badan ay gaar u wadaagaan, waxaana arrin aad loola yaaba ah in qofka Soomaaliga ah ay adagtahay wax cadownimo ah inuu ka fisho qofka Orommada ah!…Waxaan xasuusnahay in markii Abiy Axmed loo magacaabay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ay Soomaalidu aad u soo dhoweysay oo xataa qaarkood ay u dabbaal degeen, hasa yeeshee mar kasta waxaa iska muuqday in dareenka noocaas ah ee ay dadka Soomaaliyeed u hayaan qowmiyadda Orommada ah uusan salka ku hayn wax xaqiiqo ah oo aan ahayn in Soomaalidu rumeysneyd welina qabto fikir ah in Orommada ay dhalasho wadaagaan, inay yihiin dad ay diin wadaagaan (macnaha badankood yihiin muslim 60%) isla markaasna ay dareemayeen inay ku dulmanaayeen maamulladii u kala dambeeyaya talada Itoobiya, hadday tahay xilliyadii Boqortooyada, Darg, iyo EPRDF-tii waxayna mar kasta la garab taagnaayeen Hiil iyo Hooba!…Oromo?!…

Arrinta yaabka leh waxay tahay, kibir hadalka Abiy Axmed, iyo Birhanu Jula oo isagu meel kasta la taagan hanjabaad uu u soo jeedinayo Soomaaliya! Waxaa yaab leh inay ku faannaan ciidamo malaayiin ah oo dadka cuna, hasa ahaatee ciidammada noocaas ah ee ay ku faanayaan waxay xasillin kari la’yihiin muddo 4 sano iyo jarjar gobollada Tigray iyo Amhara…Waxay ku filnnaan la’yihiin talada dhibaatada gudaha Itoobiya ka jirta. Intii uu nidaamka Orommada ka dhismay Addis Ababa, dalalka jaarka ah sida; Soomaaliya, Eritrea, Djibouti, iyo Suudaan (Koonfur iyo Woqooyi) waxaa laga dareemayaa xasilooni daro xagga amniga ah, waxaana mid kasta oo hadla oo ka tirsan nidaamka Boqortooyada Geeska Afrika, ee ku dhisan riyadii Abiy Axmed hooyadii uu ku celcelinayaa hadallo dhiilo iyo colaad xambaarsan!…hasa yeeshee, wixii ay ahaan lahaydba xaqiiqdii waxa ku soo ururtay soo toositaankeedii ay indhaha kala qaaday iyo in Abiy Axmed isagoo soo jeeda oo aan seexan uu u heysto in maamulkiisu uu yahay Boqortooyadaas qarowga iyo calwasaadka ku dhisneyd! Gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay xoogga ku haysato waxaa maalin kasta ku soo duula ciidamo Oromo ah, waxaana jirta in madax-weynaha gobolka Oromia Shimelis Abdisaa isla markaasna ah madaxa hawl wadeennada xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya (Chief of Staff) isaga iyo ra’iisal wasaaraha ay aad arrintaas u dhiiri geliyaan. Waxay soo dejiyeen deegaannada Soomaalida oo ku maal geliyeen shacab faro badan oo Oromo ah.

Waxaa dhaqan iska noqday meel ka dhacyada iyo xad gudubyada siyaasiyiinta Oromada ay maalin kasta si joogta ah ugula kacayaan dadka Soomaaliyeed haddii ay tahay gobolka ay Itoobiya guumeysato iyo haddii ay noqoto jamhuuriyadda Soomaaliya. Ma ahayn arrin lama filaan igu noqotay in nin ka mid ah Qabqablayaasha Oromada oo iyagu intii ay awoodda Itoobiya gacantooda soo gashay u soo bareeray cadowtanimmada ummadda Soomaaliyeed uu hadalo meel ka dhac inoola soo bareero. Jawar Mohmed, ma aha nin mas’uul ah, mana aha nin wax xil ah ka haya ama ka soo qabtay Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa aasaasyaashii SHabakadda DHexe War-Baahinta Oromiya (Oromia Media Network) oo waliba madaxeeda ahaa, wuxuu ku soo caan baxay bannaan baxyadii ay Oromada uga cabaneysay inay ku dulmantahay maamulka Itoobiya sannadihii 2014-2016kii, xilligaas oo ay talada dalkaas gacanta ku hayeen maamulkii TPLF-ta, wuxuuna isagoo adeegsanaya SHabakaddaas war-baahinta ah uu isku xiray dhallin-yarada Qeeroo ama (Qiiro, ama dhallin-yaradii qiireysneyd) iyo shacab-weynaha Oromada, isla markaasna uu ku guuleystay inuu bannaanbaxyadii cabashada ahaa uu u bedelo kacdoon siyaasadeed oo ugu dambeyntii horseeday in ra’iisal wasaarihii nidaamkii EPRDF-ta Haile Maram Desalegn uu xilka ka dego oo is casilo bishii February 2018. Ma aha arrin qarsoon kaalintii weyneyd ee kacdoonkaas ku lahaa isagoo markaas noqday hoggaamiyihii Qeeroo, isla markaasna sida la sheego uu gacan ka geystay in Abiy Axmed Cali uu noqdo ama ku soo baxo xilka Ra’iisal wasaaraha dalkaas, waana meesha uu magaciisa ka soo ka soo galay siyaasadda Itoobiya.

Haggaamiyaha Qeyro Jawar Mohamed, wuxuu cadeeyay in isaga iyo DHiigyo-Cab Abiy Axmed oo sida dhaqankooda ka muuqata ay ku qanceen qowmiyad ahaan iyagoo Oromo ah inaysan Itoobiya xukumi kareyn, qorshahooduna yahay inay dhisaan dowlad Oromo ah, isla markaasna deegaannada Soomaaliyeed ee ay hadda magaca Itoobiya ku gumeystaan qaybaha ugu barwaaqeysan xoog ku qaataan iskuna soo ballaariyaan xeebaha Woqooyi ee Soomaaliya, waase ogyihiin inaysan dhul Soomaali leedahay qaadan kareyn ee ma ayeeydood baa ugu riyootay?!

Jawar Mohamed, oo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay u heystaan inuu yahay nin muslim ah ayaa heysta diinta masiixiga, waxayna Axad kasta isaga iyo xaaskiisa si caadi ah u tagaan kaniisadda. Waxaa dhalay aabbe muslim ahaa iyo hooyo masiixiyad ah. Wuxuu isla sanadahaas ay socdeen bannaan baxyada uu aad ugu xirnaa ama siyaasad ahaan uu taageerayay Lemma Megersa oo madax-weynihii gobolka Oromiya ahaa (2016-2019). Megersa ayaa muddadii uu hayay xilkaas wuxuu duulaan aan kala go’ lahayn ku hayay gobolka Soomaalida ee ay deriska yihiin, waxaana lagu eedeeyaa Megersa inuu shacab badan oo Soomaali ah laayay muddadii uu xilka hayay isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu deegaano Soomaaliyeed xoog ku qaato, waxayna ahayd siyaasad ay isaga iyo Jawar Mohmed ku wada shaqeynayeen.

Waxaa arrin lagu qosla ah in Jawar Mohamed iyo DHiigyo-Cabka Abiy Axmed, SHemiles Abdisaa, iyo Lemma Mageresa, ay maanta rabaan inay u dhaqmaan sidii boqortooyadii iyaga soo addoonsatay ee Abyssinia, waxayna doonayaan inay inkiraan taariikhda Soomaalida oo aan waligood yeelin wax addoonsi ah, ahaana qowmiyaddii iyaga ka xoreysay dulligii iyo addoonsigii ay iyaga Abyssinia ku haysay!… Waa arrin yaab leh in nin Oromo ah oo waliba ka mid ah sida la leeyahay aqoonta dadkaas uu maanta goob la soo istaago “Baydhabo gacanta Itoobiya inay hadda ka sii baxayso oo lagu wareejinayo Masar iyo Turkey!” waa marka horee isagu muxuu yahay si uu arrintan uga hadlao?! Mise hoggaamiyaha Qeeroo Baydhabo iyo dalka Itoobiya buu kala garan waayay?! Wuxuu kaloo ku leeyahay “SHalayto waxaa la wareejinayay farriin tilmaamaysa in laga yaabo Immaaradaha Midoobay ee Carabta iyo Itoobiya laga saaro Puntland, waana tallaabo muujineysa inay yaraaneyso saameynta Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya!”…Cajiib! war ninku yuu ina mooday?! Mararkaan oo kale, oo cawaan shalay qaawanaa uu sidaas kuula hadlo baad garaneysaa Xasan SHiikh Max’ud iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo dhagarta ay dadka iyo dalka ka galeen!.. Bal Jawar, haddii uu miyir qabo hala weyddiiyo “Itoobiya saameynta ay ku leedahay Soomaaliya macnheedu muxuu yahay?! Ma gobol Itoobiya ka tirsan baa?!…mise caqliga kugu jira waxay kula tahay in Itoobiya, iyo Immaaradaha Midoobay ee Carabta ay weligood joogayaan Puntland?!.

Waxa ka dhacay magaallada Baydhabo March 30, 2026, wuxuu ahaa fal danbiyeed burcadnimo ah, oo si bareer Xasan SHiikh Max’ud meel uga dhacay sharaftii dowladnimmada, wuxuuna ku xad-gudbay maamul si sharci ah ku dhisnaa, kana mid ahaa Dowlad-Gobleeddada Federal-ka Soomaaliya, Xasan Shiikh Max’ud oo inta uu joogay ku caan baxay boobka hantida ummadda, gelitaanka iyo meel marinta heshiisyo sharci darro gaar ahaan kuwa uu la galay dalalka Turkey iyo Itoobiya, kuwaasoo mararka qaarkood khatar ku ah jirtaanka iyo midnimmada dadka iyo dalka. Hadalka Jawar Mohammed, run ahaantii waxaa ka dhashay walaac weyn iyo shaki qaabka iyo nooca heshiiska ay ciidammada Itoobiya markii hore ku joogeen Baydhabo, kaasoo sida uu sheegay ama qoraalkiisa ka muuqata ahaa heshiis hoosaad qarsoodi ah oo u dhexeeyay madax-weynihii la eryay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi-Caziiz Xasan Max’ed (Laftagareen) iyo Itoobiya si ciidammada halkaas ka jooga Itoobiya Laftagareen u ilaaliyaan, middaas oo ah arrin ka baxsan hawsha ay u joogaan ciidammada Midowga Afrika ee Hawl-Galkooda Gacacan Siinta iyo Xasillinta Soomaaliya yahay (AUSSOM)… Waxaa marka is weyddiin ay ka taagantahay in sida Jawar Mohammed sheegayo ciidammada Itoobiya sidii laysku ogaa difaaci waayaan Laftagareen, kuma imaan dhexdhexaadnimo, kumana imaan ilaalinta xeerarka dowladnimmada iyo ixtiraam ay u hayso Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ee waxaa jira wax kale oo qarsoon oo ay ku bedelatay ee maxay yihiin?!… jawaabtaas xaqiiqdeeda iyo waxa uu Xasan SHiikh Max’ud ku bedeshay maxay yihiin?!….KHaa’inul-Wadan.

Jawar Mohamed, iyo Abiy Axmed, malaha waxay la noqotay ku celcelintooda “130 million baa nahay!” inay wax ka bedeleyso qabka iyo fikirka qofka Soomaaliga ah ama ay cabsi gelineyso!… Jawar taariikhda ha ku laabto, waxaan nahay ama Soomalidu ay tahay, Itoobiya la bari maayo, Oromana warkeeda iska dhaaf! Marar badan waxaan maqlaa Birhanu Jula, oo Soomaalida caayaya, oo u hanjabaya, hasa yeeshee waxaan hubaa intaas inuu geesinimo ka raadinayo oo isaga naftiisa ku dhiiri gelinayo, oo ku qancinayo mar haddii uu Soomaali u dhaartay in shacabka maatada ah ee wejigoodu dhintay ee Itoobiya ay Geesinimo gelineyso ama ay isaga u arkayaan Ffield Marshal run ahaantii u qalma darajadaas! Markii u horeysay 1962dii ayaa dowladda Soomaaliya oo labo sano jirta ay soo dhoweysay oo magan gelyo siisay Waqo Guuto iyo qoyskiisa iyo dad aan badneyn oo Oromo ah oo ka soo baxsaday Xayle Salaase (Haile Salessie) ilaa waqtigaas ilaa intii uu dalka Soomaaliya ka burburayay Oromo waxaa garab iyo gaashaanba u ahaa Soomaaliya, mar ay ciidamo u taba barto, dagaalka ka caawiso oo hubeyso, oo dhaawacooda daaweyso, ilaa ay gaareen inaysan Soomaaliya marti ku ahayn!… waxaana rumeysnahay in heerka siyaasadda Itoobiya ay maanta ka joogto Oromada ay Soomaalida kaalintii ugu muhiimsaneyd ka soo qaadatay, laakiin markii dalkeenii burburay taas abaalkeeda waxaa Oromadu innoogu bedeshay inay innagula dhaqanto fikirkii aan ka diidnay Xayle Salaase…

Maamulka Orommada ee hoggaanka Itoobiya Qorshaha iyo talada bad-raadinta ah iyo in waxa loogu yeero Somaliland ay la galaan heshiis is af garad ah oo ay ugu gogol xaareyaan inay xoog ku qabsadaan badaha Woqooyiga Soomaaliya ma ahayn khalad istaraatiijayadeeed sida uu Jawar Mohamed u dhigayo, ee waa damac ka dhashay awood been ah oo ay is bidday Itoobiya, waana damac aysan wali ka harin laakiin ay dani ka reebi doonto! Waxaana shaki la’aan ah in sabab xagga saykolojiga oo intaas oo dhan ka weyn oo is muujin ah ay tahay waxa ugu weyn ee arritan dabada ka riixaya!… Ma nihin dad tiro badnaan lagu cabsiiyo, 100 million iyo 100 billion, cadow kasta, tiro kasta oo uu leeyahay xoog kasta oo uu is bidayo Soomaali baan u nahay, waan dhiman karnaa, laakiin innagoo nool laynama dhaxli karo! Dalkeenna cidina ugama baqeyno inay qabsato! Waa ciiddeenii aan ku dhalanay ee laynagu xabaalayay, waana ciidda keliya ee aan u oggolnahay inay ku oon baxdo dhacaanka iyo dhiigga ka baxa jirkeenna!…

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan