Madaxweynaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo sameeyay magacaabistii ugu horreysay

Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa agaasimaha guud madaxtooyada ee maamulkaas u magacaabay Cali Cabdlulaahi Isaaq.

Waa markii ugu horreysay oo uu magacaabis sameeyo madaxweynaha ku meel gaar ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay maalmo ka hor magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa magacaabis madaxweynaha kumeelgaarka ah ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka soo horjeeda dastuurka maamulka.

PUNTLAND POST