Fiqi oo eedeymo culus u jeediyay Golaha Mustaqbalka

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa si adag u dhaliilay Golaha Mustaqbalka, isaga oo ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan dano shisheeye oo lid ku ah qaranimada dalka.

Fiqi oo wareysi siisay telefishanka ku hadla afka dowladda ee SNTV waxa uu sheegay in xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalku ay xiriir la leeyihiin dowlado hishisheeye iyo Al-shabaab, islamarkaana ay qabtaan kulamo uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya.

“Waa daba-dhilifyo lacag lagu soo siiyay dhantaalka dowladnimada” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi waxa kale oo uu ku dhaliilay Golaha Mustaqbalka in ay hambalyo u direen Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen oo uu tilmaamay in ay is-doorteen, halka aysan hambalyo u dirin maamulka Waqooyi Bari oo uu sheegay in uu muddo dheer ku jiray hannaan kala guur ah.

Fiqi waxa uu xusay in mar uun la xiri doono oo maxkamad la soo taagi doono xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka, sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST