Puntland oo tirakoobaysa hantida wasiirada cusub

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa warqad uu soo saaray ku faray wasiirada cusub in ay muddo bil gudaheed ah ku soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah.

Ujeedada arrintan waxaa lagu sheegay in la caddeeyo hantida gaar ah ee wasiirada, wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha cusub ee Puntland, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale waxaa la faray mas’uuliyiinta xilka bannaynaya in ay la soo xiriiraan Xafiiska Hantidhawrka Guud, si loo xisaabiyo hantidooda, haddii uu jiro is baddel ku yimid muddadii ay xilka hayeen.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland wuxuu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu qaadi doono tallaabooyin isla xisaabtan ee ogol yahay dastuurka iyo shuruucda kale ee Puntland.

PUNTLAND POST