Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid, xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa amnigiisa aad u ilaalinayay ciidamo badan oo qaarkood ka tirsan yihiin hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka, kuwaas oo aan hore loogu arki jirin.

Magaalada Baydhabo waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo meesha ka saaray maamulkii Cabdicasiis Laftagareen.

PUNTLAND POST