Madaxweyne Deni oo guddi magacaabay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddi xilka u kala wareejiya mas’uuliyiinta cusub ee magacaaban iyo mas’uuliyiintii hore.

Guddigan oo ka kooban 4 xubnood waxaa guddoomiye looga dhigay Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) Hantidhowrka Guud Puntland, waxaana ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada.

Wareegto ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa u qornayd sidan hoose:

MAGACAABIS: GUDDIGA XIL WAREEJINTA EE GOLAHA WASIIRADA IYO HAY’ADAHA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe : 02 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay xil-u-kala- wareejinta Wasiiradii hore iyo Wasiirada cusub iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Ku: Guddiga Xil wareejinta Dawladda Puntland

Og: Dhammaan Wasaaradaha Dawladda Puntland

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Xil wareejinta.

Waxaa lagu wargelinyaa dhammaan Wasaaradaha Dawladda Puntland in loo xilsaaray xil wareejinta Wasiiradii hore iyo Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Dawladda Puntland iyo Hay’adaha kale ee Dowladda guddigaas oo kala ah: –

1. Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) Hantidhowrka Guud ee Dawladda Puntland. (Guddomiye)

2. Maxamuud Xassan Aw Cismaan Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

3. Carshe Maxamed Siciid Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

4. Asad Faarax Maxamed (Heelo) Agaasimaha Xiriirka Golayaasha Xoghaynta Guddiga Xilwareejinta.

-DHAMMAAD-

PUNTLAND POST