
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacowday in uu noqdo hoggaamiyaha ku meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wareegto ka soo baxday Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu magacaabay hoggaamiyaha kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo baddelaya madaxweynihii meesha ka baxay ee Cabdicasiis Laftagareen.
Hoggaamiyaha kumeelgaarka ah waxaa la sheegay in uu xilkan siin hayn doono tan iyo inta laga soo doorayo haggaan sharci ah oo yeesho maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ku yimaada doorasho qof iyo cod.
Afhayeenka xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa warbaahinta u akhriyay wareegatada ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse.
PUNTLAND POST