Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabis isweydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya

Mudane Xamse oo sheegay in uu cuskaday qodobada 119-aad, farqada (D) ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.

1- Mudane Yuusuf Cali Maxamed –
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

2- Mudane Maxamed Saney Dalmar –
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.

3- Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax –
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

4- Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali –
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

5- Mudane Yuusuf Xasan Isaaq –
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

6- Mudane Maxamed Xasan Shire –
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

PUNTLAND POST