Deni oo xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaasha gobollada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaasha gobollada Nugaal, Bari, Mudug, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Raascasayr.

Madaxweyne Deni wuxuu gobolladaas u magacaabay guddoomiyeyaal cusub, kuwaas oo kala ah.

1. Guddoomiyaha gobolka Nugaal – Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade)

2. Guddoomiyaha gobolka Bari – Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax.

3. Guddoomiyaha gobolka Mudug – Cabdiweli Jibriil Bayle.

4. Guddoomiyaha gobolka Karkaar – Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan.

5. Gudddoomiyaha gobolka Sanaag – Cali Xuseen Maxamuud (Soomaali).

6. Guddoomiyaha gobolka Haylaan – Maxamed Faarax Ciise.

7. Guddoomiyaha gobolka Raascasayr – Muuse Saalax Guuleed.

PUNTLAND POST