
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa ruqsaddii duulimaadyada dib u siisay shirkadda diyaaradaha Daallo, kaddib muddo bil ah oo shirkadaasi ruqsad la’aan ahayd.
Qoraal ka soo baxay wasiir Cabdullaahi Bile Nuur ayaa lagu yiri “waxaa lagu wargelinayaa shirkadda diyaaradaha Daallo in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 31 Maarso 2026, dib loo siiyay ogolaanshihii (ruqsaddii) duulimaadyada ee dhammaanka garoomada diyaaradaha Puntland”.
Puntland waxay hore ugu eedeeysay shirkadda Daallo in ay laba jeer khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland, islamarkaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.

PUNTLAND POST