Xamse oo dhaliilay siyaasiyiinta u hambalyeeyay Laftagareen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasme Cabdi Barre ayaa ka hadlay is-doorashadii Cabdicasiis Laftagareen, siyaasiyiinta u hambalyeeyay iyo qorshaha dowladda ee Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “ma rabin in uu ku khatimo CV-giisa wixii maalintii dhaweyd meesha ka dhacay, waa fool xumaayeen, ma qurux badnayn”.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhaliilay siyaasiyiinta u hambalyeeyay Laftagareen, isaga oo tilmaamay in ay taasi muujinayso baddeecadooda siyaasadeed iyo waxa ay ka aaminsan yihiin dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada Baydhabo, islamarkaana aysan jiri doonin wax aargoosi ah, isaga oo caddeeyey in talada dadka dib loogu celin doono, bulshaduna ay soo dooran doonaan hoggaanka maamulkooda.

PUNTLAND POST