Madaxweyne Deni oo la kulmay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay qunsulka dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya.

Lama sheegin labada dhinac waxa ay ka wahadleen, hase ahaatee, hase ahaatee kulankan wuxuu yimid, xilli xiisad siyaasadeed iyo amni ay ka jirto qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyada oo Itoobiya ay saameyn ku leedahay siyaasadda iyo amniga dalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo koobay “Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo  saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Dalka Itoobiya”.

PUNTLAND POST