
Puntland ayaa ka gaabsatay doorashadii shalay ka dhacday magaaalada Baydhabo ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen markale loogu doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Golaha Mustaqbalka ayaa kula qaybsamay dib u doorashada Laftagareen, waxaa hambalyeeyay Sheekh Shariif, Saacid, Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Axmed Madoobe, halka ay ka aamuseen Siciid Deni, Rooble, Cosoble, Koofi iyo Carab, waxaa isagu si rasmi ah u cambaareeyay Maxamed Aadan Fargeeti oo u sharraxan madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Dhowaan Cabdinuur Maxamed, oo ahaa ku xigeenkii xafiiska madaxtooyada ee maamulkii Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay, in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u ololeeyay in Maxamed Aadan Farkeeti, Wasiirkii hore Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, ka mid noqdo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Wuxuu kale oo Deni ku baaqay in Koonfur Galbeed ay qabato doorasho.
Laftagareen ayaa markii uu socday calaamasaarkii Deni sanadkii 2024 ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu dib ugu soo noqdo Golaha Wadatashiga oo ay Puntland si rasmi ah uga baxday dhammaadkii 2022.
PUNTLAND POST