
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa ka digay in xiisadda dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay horseedo xasillooni darro amni oo saameysa gobolka iyo in ay uga sii darto dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta dalka.
Qaramada Midoobay waxay ku baaqay in khilaafka maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka lagu xalliyo wadahadal, islamarkaana laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska hor-imaad hubaysan.
“UNTMIS waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waa in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada lagu xalliyaa wadahadal” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubaysan” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST