Imaaraadka oo gargaar soo gaarsiiyay Puntland

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah soo gaarsiisay Puntland, taas oo loogu talagalay dadka reer miyiga ah ee abaartu saamaysay.

Raashinkan oo la sheegay in loogu talagalay 15,000 qoys ayaa loo qeybin doonaa dhammaan gobollada Puntland, waxaana maanta qaybtii ugu horreysay laga qaybiyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Puntland iyo Guddiga Abaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaraadka garab istaaga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Puntland.

PUNTLAND POST