
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa ka hadashay xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxaysa maamulka madaxweyne Laftagareen iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegtay in ay si dhow u la socdaan xaaladda maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay muhiim tahay in la helo wadahadal degdeg ah oo xal u keena khilaafka jira.
“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaanaysa ee Koonfur Galbeed. Wadahadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan, dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad” ayay tiri danjire Di Mauro.
Xiisadda Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, taas oo saameyn ku yeelatay amniga iyo maamulka qaar ka mid ah deegaannada maamulkaas.
PUNTLAND POST