
Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo madaxweyne Laftagareen ku qanciyeen in ay ka heshiiyaan khilaafka doorashada ee maamulkaas.
Odayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in labada dhinac ka aqbaleen in lagu wadahadlo magaalada Baydhabo iyo in la furo duulimaadyada Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxay sheegeen in labada dhinac ay waraaqo ka soo saari doonaan arrimaha ay aqbaleen oo ay ka mid tahay furitaanka duulimaadyada Baydhabo.
Odayaasha dhaqanka waxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqeen nabad iyo in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ka wadaan deegaaannada Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST