
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu hakiyay duqaymihii uu ka gaysan lahaa goobaha tamarta ee dalka Iiraan, islamarkaana uu wadahadal la yeeshay madaxda dalkaas.
Hase yeeshee Iiraan waxay jawaab degdeg ah ka bixisay hadalka Trump, iyada oo beenisay in wax wadahadal ah ay dhexmareen Washington iyo Terhan, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iraan ee Fars.
Hadalka ka soo yeedhay Trump wuxuu sababay in saacad gudaheed uu 14% hoos u dhaco qiimaha shidaalka adduunka oo todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray.
PUNTLAND POST