
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa magacaabay guddi doorasho, xilli xiisad siyaasadeed iyo amni ka taagan tahay deegaannada maamulkaas.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsanaa xafiiska madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga Shuceyb Nuur Xuseen.
Magacaabidan waxay ku soo aaday, xilli saacado ka hor ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay deegaannada Koonfur Galbeed ka qabanayso doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo qof iyo cod ah.
Madaxweyne Laftagareen oo markii hore qayb ka ahaa dhammaystirka dastuurka iyo doorashada qof iyo cod ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, isagoo soo saaray xayiraado iyo amaro cusub.

PUNTLAND POST