Aadan Madoobe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale kulanka ay ka qeybgaleen wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta kale la wadaagay xaaladaha deegaannada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara laga gaaro xaaladaha ka taagan deegaannadaasi.

PUNTLAND POST