Wararkii ugu dambeeyay ee maamulka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo guddiga doorashada maamulkaas.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabista guddigan ay ugu sii dari karto xiisada siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannadeeda Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maalmo uga digay madaxweyne Laftagareen doorasho hal dhinac ah iyo in uu keligiis soo xusho xildhibaannada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in taasi tahay mid aan la aqbali karin.

Madaxweyne Laftagareen oo markii hore qayb ka ahaa dhammaystirka dastuurka iyo doorashada qof iyo cod ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, isagoo soo saaray xayiraado iyo amaro cusub.

Dhanka kale waxaa maanta degan magaalada Baydhabo iyo agagaarkeeda oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidamo ka taabacsan maamulka Laftagareen iyo mucaaradka.

PUNTLAND POST