
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday taliyihii qaybta booliska gobalka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, Gaashaanle Dhexe Aamiin Maxamed Cismaan (Madaruur) oo muddo xilkaas hayay.
Dowladda Federaalka ayaa taliyaha cusub ee qaybta booliska gobalka Baay u magacaabay Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Saqiiq Duudishe) oo hore u soo noqday afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Xilka qaadista Aamiin Madaruur waxaa la xiriirinayaa xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ee u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen.
Taliye Aamiin Madaruur ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageeray go’aanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana diiday amarada dowladda Federaalka.
PUNTLAND POST