Puntland oo ka soo horjeensatay heshiis is-afgarad oo ay wada galeen DF iyo Maraykanka

Puntland ayaa ka soo horjeensatay heshiis is-afgarad macdan qodis ah oo dowladda federaalka Soomaaliya la gashay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

War-saxaaafadeed ay soo saartay Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Puntland ayaa lagu sheegtay in heshiis walba oo aysan qayb ka ahayn uusan quseyn khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Heshiiska is-afgarad ee wada galeen dowladda federaalka iyo gobolka Virginia ee Maraykanka ayaa la sheegay in uu la xiriiro macdanta buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST