
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal lagu galo khilaafka siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xusay in uu sannad ku soo jiray wadahadal, hadana weli ka go`an tahay in khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira lagu dhammeeyo wadahadal loo dhanyahay.
“Waxaan rabaa in aan marka kale ku celiyo in gogolihii wadahadalka weli furan yihiin, wadahadalkuna yahay jidka keliya ee lagu gaari karo xal waara iyo dowladnimo dhammaystiran” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku soo aadayaa, xilli khilaaf siyaasadeed oo cusub uu ka dhex-qarxay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo markii hore ku wada socday dhameystirka dastuurka iyo doorasho qof iyo cod.
PUNTLAND POST