
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhaqaaqay in uu hakiyay wadashaqeyntii uu la lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay sababta in madaxda dowladda Fedaraalka ay duulaan cad ku soo qaaday Koonfur Galbeed.
“Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay caddeynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeyneed ee ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay ugu hoggaansamayso dastuurka dalka, ixtiraamaysana nidaamka federaalka” ayaa lagu yiri nuxurka war-saxaafadeedka.
Go’aankan ayaa salka ku haya xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhexeysa maamulka madaxweyne Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ka tirsan yihiin dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST