Farmaajo oo ku eedeeyay Xasan Sheekh dhalinyaro lagu xiray Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex dhalinyaro ah oo caawa lagu xiray magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Xarrigga Hoggaanka Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYPA oo caawa uu ku kacay nidaamka waqtigiisu sii dhammaanayo ee Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu muujinayaa jihada khaldan ee uu la aaday talada iyo masiirka dalka”.

“In muwaadinkii hadla ee tilmaama halista ku hareersan midnimada iyo dowladnimada dalka, culayska dhaqaale iyo duruufaha nololeed ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, lagu wajaho xabsi iyo tacaddi waxa ay sii hurinaysaa xaaladda iyo kacdoonka dhallinyarada Soomaaliyeed ee quusta ka taagan eexda iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu raaciyay.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ugu baaqay saraakiisha amniga in ay ka waantoobaan xariga dhalinyarada ra’yigooda loo xirayo.

“Anigoo ugu baaqaya Saraakiisha Amniga in ay ka waantoobaan tallaabooyinkan soo noqnoqday, haddana waxaan xasuusinayaa in shaqada ay hayaan loo asteeyey badqabka iyo ilaalinta karaamada, nafta iyo hantida dhallinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

PUNTLAND POST