
Wasiirkii hore ee amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Garowe.
Geerida Xasan Aloore waxaa Puntland Post u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa, kuwaas oo sheegay in marxuumku uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Garowe.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida siyaasi Xasan Aloore oo wasiirka amniga iyo agaasimaha hay’adda macdanta ka soo noqday dowladihii Maxamed Cali Gaas iyo Cadde Muuse.
PUNTLAND POST