Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay garsoorka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka ay dhaliil badan ka jirto, islamarkaasna uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas.

Madaxweyne Deni oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garowe ayaa yiri “garsoorka dhaliil badan baa ku jirta, waa yoolka saddexaad oo ilaahay idankiis aan miiska saari doono marka la gaaro jannaayo”

“Mar dambe ma dhici doonto nin magac garsoor huwan in uu maqaayad ka dhex-furto bulshada dhexdeeda” ayuu raaciyay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa eedeymo badan loo jeedinayay garsoorka Puntland, kuwaas oo ka imanayay dadweynaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

PUNTLAND POST