Mas’uul hore oo ka hadlay arrinta Sanaag, SSC-Khaatumo iyo Puntland

Agaasimihii hore ee Hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ku tilmaamay arrimaha ka socda degeenaanno ka mid ah gobolka Sanaag in aysan mudnayn in aad loo buunbuuniyo, balse ay tahay dhacdo yar oo aan sina u khalkhal galin karin amniga iyo xasilloonida dowladda Puntland.

“Puntland waa maamul goboleed gaamuray oo dadkiisu ay biseyn dhaaf yihiin, amnigooda iyo xasinloonidoodana aan shaqsi iyo kooxo toonna khalkhal galin karin” ayuu yiri agaasime Cabdiraxmaan Cali Guureeye.

“Puntland waxaa ka jira nidaam jirsaday 27 sano iyo xasilooni qayb ka ah hab nololeedka dadka Puntland oo dhan, aysanna sina cidina wax u yeeli karin, balse looga baahan yahay dadka reer Puntland feejignaan dheeri ah iyo in ay marwalba arrimaha socda diyaar garow iyo taxadar dheeri ah ka yeeshaan, kuna fara adaygaan, amnigooda, horumarkooda iyo midnimadooda” ayuu raaciyay.

Dhanka kale agaasime Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuu hoosta ka xarriiqay in la joogo waqtigii Puntland iyo SSC-Khaatumo ay noqon lahaayeen laba maamul goboleed oo walaalo ah oo wax badani ka dhaxeeyaan sida maamul goboleedyada kale ee Soomaaliyeed, loona baahan yahay in loo soo jeesto sidii loo xoojin lahaa walaaltinimadooda, is kaashigooda, is qaddarintooda & wada noolaalashahooda, iyo weliba sidii la isaga kaashan lahaa amniga guud ee gobolka iyo soo kabashada Soomaaliya.

“Suurtagal ma ahan, waana wax aan la qaadan karin in Puntland iyo SSC-Khaatumo dhexdooda waxaan jirin laga raaadiyo, xaalad aan jiri karinna la abuuro oo laga dhex baayac-mushtareeyo, warar aan micna lahaynna lagu xardho baraha bulshada iyo meereegaha kale ee u furun dhaqaale abuurista, dadkani waa ka weyn yihiin oo ka korran yihiin in la isku dayo in hadafkooda durugsan la isku dayo in laga weeciyo. Waxaa la joogaa waqtigii iskaashiga iyo horumarka guud ahaan ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan dadkii markii hore la isku oran jiray reer Puntland” ayuu yiri agaasime Guureeye.

Agaasime Guureeye wuxuu ugu baaqay in dadka xaaladda abuuraya xaalka dajiyaan, dhanka kalenna dowladda Puntland in ay dadka ay hoggaamiso ugu baaqdo shirweyne dib loogu qaabaynayo Puntland-ta cusub iyo in wad tashi mug leh laga yeesho sidii Puntland loogu soo celin lahaa doorkii shariifka ahaa ay ee ku lahayd fagaarayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo caalamkaba.

Puntland ayuu ku ammaanay in ay leedahay gole dhaqan oo sharaf badan, aqoon yahanno, xeel dheerayaal iyo bulsho wanaagsan oo u bisil in ay koboc iyo hormar joogto ah ku talaabsadaan, iyagoo halbeeg ka dhiganaya dunida horu-socodka ah.

PUNTLAND POST