Madaxwayne Gaas oo ka qayb galay xuska dhalasha Nabi Maxamed NNKH

Gaalkacyo(pp) Madaweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Isi soobax lagu xusayey maalinka Dhalashada Rasuulka (SWC), waxaana uu halkaas ka jeediyey Khudbad kooban.

Banaan baxaan waxaa kasoo qayb galay, dadweyne aad u farabadan, ku waas oo watay gadiid tirobadan, waxaana ay socod dheer ku mareen dhamaan magaaladda Gaalkacyo, ugu danbayntiina waxay isugu soo ururay Banaanka hore ee dhismaha madaxtooyada cusub Gaalkacyo.

Gaas oo la hadlay dadka isu soobaxay oo ka koobnaa labada dhinac ee magaaladda Gaalkacyo, Isaga oo sidoo kalana halkaan ka qaaday Qsiido Nabi amaan ah. Dadka isu soobaxay oo si wada jir ah u xusayey maalinka Dhalashada Rasuulka SCW, iyada barina la filayo in lagu qabto gadiga koon fureed ee Magaaladda.

“Waan ku faraxsannahy in aanu idin kalasoo qayb galnyo, Xuska dhalashada Rasuulka SCW, ka dawladda haana diyaar ayaan u nahay, wixii nooga aaday in aanu idin kala qayb qaadano, Idinkuna wanaag iyo khayrka halkaas kasii wada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

ugu danbayntii waxaa halkaas khudbooyin ka jeediyey culimo, Abwaano ka gabyey, waxgaran iyo dhalinyaro da’ayar ah oo qaadayey qasiidooyinka lagu amaanayo Rasuulka SCW.
DSC_0355

DSC_0373

DSC_0412

DSC_0428

DSC_0430

DSC_0438

DSC_0484

DSC_0485

DSC_0494

DSC_0495

DSC_0502

DSC_0511

DSC_0523

DSC_0531

DSC_0544

DSC_0562

DSC_0573

DSC_0574
Mustafe Xaarin
Gaalkacyo/Puntland