Wasaaradda Dastuurka Puntland oo dib eegis ku samaynaysa Dastuurka Fadaraalka

Garowe(pp): Wasaaradda Dastuurka Puntland ayaa maanta Tababar ku qabatay hal maalin soconaya oo dib u eegis loogu samaynayo Dastuura dowladda Fadaraalka.

Tababarka waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Dastuurka Puntland, waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda wasaaradda.

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Cabdiraxmaan Cabdi Ismacil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaalada ay rabto inay ogaado farqiga u dhexeeya Dastuurak Puntland iyo kan dowladda Fadaraalka.

Wasiirka Dastuurka Puntland Cali Ismaaciil Oog oo furay Tababarka ayaa sheegay in muhiimada loo qabtay ay tahay sidii laysula eegi lahaa Dastuurka Fadaraalka iyo waxyaabaha lagu muran san yahay ee Dastuurka ku qoran iyo sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha udhaxeeya labada Dastuur.

Waa markii ugu horaysay oo kulan noocaan oo kale ah ay Wasaaradda Dastuurku qabato, tan iyo intii xilka loo magacaabay Wasiirka Cusub,Puntland iyo dowladda Fadaraalka ayaana marar badan ku murmay Dastuurka, iyadoo Puntland ay sheegtay in Dastuurka wax laga badalay.
Sawirro.
DSC7716

DSC7717

DSC7721

DSC7722

DSC7723

DSC7724

DSC7726

DSC7728

Puntlandpost.com.