Wasaradda Caafimaadka Puntland oo la shirtay Hay’addaha la shaqeeya

Garowe(pp) Xarunta dhexe ee wasaradda Caafimaadka Puntland Garowe waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shir labo maalmood soconaya oo looga wada hadlayo wixii qabsoomay dhanka caafimaadka sanadkan dhamaadka ah ee 2015.

Shirka waxaa kasoo qayb galay wakiiladda Hay’addaha wasaradda caafimaadka la shaqeeya ee gobaladda Puntland iyo madaxda wasaradda kuwaasoo isku dhaafsaday waxqabadka caafimaadka ee 2015.

Wasiirka cafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa daah furay shirka isagoona sheegay inay muhiim tahay in la ogaado waxqabadka hay’addaha xagga caafimaadka kala shaqeeya.

Dr.Ciise waxa uu sheegay inay wasaaraddu wax badan hay’addaha iyo wakiiladeeda caafimaadka ka su’aali doonta sababaha keena inay mararka qaarkood dib udhacaan barnaamijyada caafimaadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay shirkaan inuu yahay shir muhiim ah oo sanadkiiba mar la qabto, kaasoo hay’ad kasta wax looga weydiiyo waxa ay ka qabatay barnaamijka caafimaadka ee loo wakiishay iyo qorshaheeda dhow.
DSC7643

DSC7645

DSC7647

DSC7648

DSC7651

DSC7652

DSC7653

DSC7656

DSC7658

DSC7662

DSC7664

DSC7666

DSC7675

DSC7683

DSC7684

DSC7685

DSC7688
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe