Madaxweyne Xasan oo gaaray Baladweyne

Baladweyne(PP):Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waftiga uu madaxweynuhu hogaaminayo waxaa kamid ah gudoomiyaha cusub ee Hiiraan uu usoo magacaabay iyo gudoomiyihii hore oo xaflad ay xilka kula kala wareegayaan ka socoto xarunta degmada.

Masuuliyiinta gobolka,kuwa degmada iyo shacabka Baladweyne ayaa garoonka kusoo dhaweeyey waftiga madaxweynaha, waxaan la filayaa marka uu ka qayb galo xaflada xil wareejinta kadib uu shir la qaadan doono Odayaasha gobolka Hiiraan,isagoo madaxweynuhu uu dhiiri galin doono inay ka qayb galaan shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeeellaha dhexe oo dowladdu shaacisay in lagu qabanyo Caasumadda Sh/dhexe ee Jowhar.

Odayaasha ayaa diidin in shirka maamul usamayn lagu qabto Jawhar, sidoo kale waxay ku tilmaameen waxaysan qaadanayn Caasumadda labada gobol oo dowladdu u magacowday Buulo barde oo Hiiraan ka tirsan.

Shacabka Buulo barde ayaa iyaguna soo dhaweeyey in Buulo burdo loo magacaabo Caasumadda labada gobol,Safar Madaxweynaha uu ku yimi Baladweyne ayaan laga ranayn intuu qaadan doono.

Puntlandpot.com.