Garowe(PP): Baarlamaankan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlaya Sharciga Been Xalaalaynya oo markii sadexaad ay akhrin doonaan.
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Fadaraalka horay u horkeentay Sharcigan waxaana baarlamaanku uu akhriyey labo jeer iyagoo maanta Akhrinaya markii sedexaad.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Habdhowraha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maanta baarlamaanka ay guda geli doonaan hindise sharciyeedka been xalaaleynta.
“Waxaa ku jira kulanka baarlamaanka, sida aad ka warqabtaan marka hindise sharciyeed baarlamaanka la horkeeno, waxa uu soo maraa marxalado kala duwan oo akhrinta ah, ajandaha kulanka maanta waxa uu yahay in la guda galo akhrinta saddexaad ee sharciga been xalaaleynta ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Puntlandpost.com.