Jubbaland Tv oo barnaamij ka diyaarisay taariikhda warshadii cusbada Xaafuun

Garowe(pp) Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha Africa ugu khayraadka wanaagsan, in kastoo khayraadka ceegaaga badda iyo bariga aan si wanaagsan looga faa’iidaysan haddana dadka qiimeeya wax soo saarka ayaa tilmaamaya in wax badan oo anfac ah laga heli lahaa haddii dowladda iyo shacabkuba usoo jeesteen wax ka qabashada warshidihii wax soo saari jiray ee dalka.

Degmada Xaafuun ee Gobalka gaar ahaan deegaanka Hurdiya waxaa ku taala warshadii cusbada (Milixda) taasoo ilaa iyo hadda qayb ka mid ah wax soo saarkeeda lagu tiirsan yahay.

Wariyaha Jubbaland TV Garowe Cabdiqani Cabdilaahi Cabdi (Irbad) oo qayb ka ahaa socdaal Hay’adda PDRC wariyayaal ugu kaxaysay bariga fog ee Puntland ayaa barnaamij ka diyaarshay taariikhda warshadda iyo marxalada ay hadda ku sugan tahay.

Barnaamij-ka ayaa diirada saaraya taariikhda fog ee warshada iyo sida looga faa’iidaystay sidoo kale dadka deegaanka ayaa ka waramaya xaalada iyo qaabka shaqada hada u socoto.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com