Asaaska Booliiska Soomaaliyeed oo maanta la xusayo

Garowe(PP):Waxaa maanta laga xusaya magaalada Garowe 72 guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Munaasabad ay soo qaba qaabiyeen Saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliiska Puntland ayaa hada ka socota xarunta Ha’yadda Cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Xubno ka tirsan dowladda,Ciidanka Booliiska Puntland iyo qaarkamid ah shacabka Garowe ayaa ka qayb galay munaasabada.

Booliiska Soomaaliya oo la asaasay 20 decembar sanadkii 1943 ayaa munaasabada lagu xusayo ay ka dhacaysa meelo kamid ah gobolada dalka,waxaan munaasabadaha looga hadli doona xaalada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo baahiyaha ay u baahan yihiin in taageero laga siiyo.

Puntlandpost.com.