Ber bera(P-today):wararka aan ka helayno magaalada ber bera ayaa sheegaya in la dilay taliyihii ciidanka birmadka ee magaalada Ber bera Aadan Guuleed (Talaabo).
Waxaana dilay sida la sheegay Askari ka tirsan ciidanka Birmadka ee magaalada Ber bera,ilaayo hada lama garanayo sababta uu askarigu udilay Taliyahii Birmadka Ber bara.
Sida aan wararka ku helayno ciidanka ayaa qabtay Askarigii dilka gaystay isagoo hada ku xiran xabsiga magaalada.
Maamulka Soomaaliland wali kama aysan hadlin dilka loo gaystay Taliyaha waxaase magaalada Ber bara laga hadal hayaa dilka loo gaystay Taliyihii ciidanka Birmadka magaalada Ber bara,iyagoo iswaydiinaya sababta Askarigu u dilay taliyaha.
Puntlandpost.com.