Garowe(PP):Taliyaha booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo ayaa shalay taliye cusub u magacaabay Garoonka diyaaradaha Bosaso kadib markii la dilay taliyihii garoonka dhawaan.
Cabdirisaaq Afgaduud oo la hadlayeyy Radio Garowe ayaa sheegay inuu Taliye cusub u magacaabay Garoonka Boosaaso waxaana taliyaha loo magacaabay Garoonka lagu magacaaba Gaashaanle Aadan Muuse Jamac,oo horay usoo noqday Taliyaha saldhiga Garowe.
Waxaa uu sheegay taliyuhu in isbadal lagu sameeyey Saldhigayada gobolka Bari,waxaa uuna xusay laanta canshuuraha isbadal lagu sameeyey, waxaa uuna sheegay in Aadan magacaabistiisa la jaanqadayso marka laga yimaado dilkii taliyaha Garoonka isbadalka Taliyahasha gobolka Bari.
Afgaduud ayaa tilmamaay in Aadan uu yahay qof ka soo bixi kara xilka uu u magacaabay, islamarkaana uu yahay Sarkaal mudan inuu xilkaa qabto.
Waxaa uu intaa ku daray Afgaduud inaan wali lasoo qaban Askarigii dilay Taliyihii Garoonka Boosaaso Xasan shire Amaan,walina ay ciidamadu ku daba joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.