Wasiirka Waxbarashada Puntland oo ka jawaabay cabasho ka timi dadka araga la

Garowe(PP): Dadka araga la ee kunool Garowe ayaa cabasho ka muujiyey qaabkay wax ku bartaan waxayna sheegeen inaysan haysan qalabkii waxbarashada ee loogu talo galay dadka Araga Naafadada ka ah.

Waxay sheegeen dadkaasi inay xaq uleeyihiin inay helaan waxbarasho dhamaystiran, iyagoo xusay inaysan Wasaaraddu qorshaha ku darsan dadka Naafada ah.

Dhalinyaro kamid ah dadka araga la ayaa sheegay inay sanadkan yihiin Fasalka afraad ee dugsiga sare waxyana ka codsadeen dowladda inay uhesho Jaamacad.
Machadka indhoolayaasha ee ku yaal Garowe ayey dadkaas wax ku bartaan, waxayna xuseen inay haysato baahi weyn oo dhanka waxbarashada ah ,iyagoo sheegay in dadka kale ay helaan waxbarasho dhamaystiran.

Wasiirka waxbarshada Puntland Abshir Ow Yusuuf Ciise ayaa ka jawaabay Cabasho ka soo yeertay dadka aragga Naafada ka ah, waxaa uuna sheegay wasiirku in wasaaraddu wado qorshe wax looga qabanayo waxbarashada dadka araga la.

Abshir Ow yuusuf ayaa xusay inay arintaani tahay baahi weyn, wasaaradduna ay Ha’yadda taageera u gud bisay.

Halkan ka daawo