Tababar Muqdisho loogu soo xiray Askar ka tirsan Booliiska

Muqdisho(PP):Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Sareeyo Guuto Muqtaar Xuseen Afrax ayaa maanta tababbar u soo xiray saraakiil ciidan oo tababbar uga socday Muqdisho.

Tababbarka soo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa lagu baranayay sidii ay u sameyn lahaayeen manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska haddii ay ahaan lahayd heer maamul goboleed iyo mid federaal ah, isla markaana tababarka ciidanka la siinayo uu noqdo mid isku mid ah.

Saraakiisha ka kala socday gobollada dalka, ee tabababarka ugu soo gabo gaboobay Muqdisho ayaa sheegay in mudaddii uu tababarka socday ay isku raaceen in la helo manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska, ayna soo dhaweynayaan tababbarka loosoo gaba gabeeyay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xiray tababbarka ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in ciidanka booliska heer maamul gobol iyo mid federal ay yeeshaan manhaj ay ku mideysanyihiin, isla markaana suurta gelinaya in ay helaan tababbaro isku mid ah.

Sawirro.
vlcsnap-2015-12-16-21h18m39s68

vlcsnap-2015-12-16-21h19m24s32

vlcsnap-2015-12-16-21h19m34s139

vlcsnap-2015-12-16-21h19m48s23

vlcsnap-2015-12-16-21h19m56s97

vlcsnap-2015-12-16-21h20m07s208

vlcsnap-2015-12-16-21h20m17s54

vlcsnap-2015-12-16-21h22m04s97

vlcsnap-2015-12-16-21h22m47s237

vlcsnap-2015-12-16-21h23m20s69

vlcsnap-2015-12-16-21h24m05s2

vlcsnap-2015-12-16-21h24m46s179

vlcsnap-2015-12-16-21h25m18s251
Puntlandpost.com.