
Garowe(PP):Maanta magaalada Garowe waxaa soo gaaray baabuur wada qalabkii lagu dhisi lahaa Garoonka diyaaradaha ee Garowe.
Baabuur waaweyn oo ah kuwa qaada xamuulka ayaa maanta Bosaso kasoo qaadatay qalab lagu dhisayo Garoonka Garowe oo lafilayo in dhismihiisa la bilaabo bilowga sanadka Cusub.
Dhismaha Garoonka ayaa waxaa ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaysa dalka Kuwait.
Waxaa la joojiyey shaqadii Garoonka Garowe oo hada waxay diyaaraduhu ka duulaan kana soo dagaan garoonkii hore ee Garowe ee Kanooko oo wasaaradda duulista hawada ay sheegtay in halkaas ay shaqadu ka socon doonto.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.