Waxaa maanta booqasho ku tagay xabsiga wayn ee magaalada Qardho Qaar kamid ah Odayasha masuuliyiinta gobolka iyo degmada ganacsato iyo waxgarad kale boqashadaan ayaana ujeedadeedu ahayd u hadiyaynta maxaabiista iyo wacyigalin ku aadan inay kawaantoobaan maxaabiista falalki lagu soo xiray.
Barnaamika booqashada iyo wacyigalinta ayaa waxaa soo agaasimay qaar kamid suxufiyiinta gobolka iyo waliba mid kamid ah dhalinyarada ugu firfircoon ee gobolka waxaana kalimadii ugu horaysay goobta ka jediyay taliye kuxigeenka xabsiga Gaashaanle dhexe C.bile wuxuuna aad uga warbixiyay baahiyaha jeelka asagoo sheegay in maxaabiista ay u baahanyihiin in loo sameeyo xirfadaha gacanta sida Korontada, faryaame, Tubayste, Harqaan iyo waliba dhisida guryaha taliyaha ayaa sidoo kale xusay in xaga caafiaadka ay ku qabaan dhibaatooyin farabadan iyadoo aysan jirinba Hay’ad ka taageerta dawooyinka taliyaha ayaa gabagabadii xusay in ay aad ugu baahanyihiin in laga taageero xaga nadaafada.
Kuxigeenka Duqa degmada odayaasha iyo masuuliyiintii ka qaybqaadatay barnaamijka ayaa ka dhawaajiyen inay kawarhayn doonaa walaalohooda xabsiga ku jira, dhanka kale mid kamid ah maxaabiista ayaa xusay inay noloshooda aad u wanaagsantahay balse ay jiraan caqabado xaga waxbarashada, nadaafada iyo waliba biyaha oo aad u kharaar.
Gudoomiyaha gobolka oo munaasabada soo xiray ayaa soo dhoweeyay Baahiyaha xabsiga wuxuun balan qaaday inay wax ka qaban doonaa baahiyahaas ayagoo la kaashanaya cid alle cida ay khusayso.
Dhalintii soo agaasintay Barnaamijka:
Saadaq Axmed Qandali
Daauud Maxamed Xasan
Yaxye Nuur Muumin
Company yadii iyo waliba Shakhsiyaadkii ka Qaybqaatay:
ü Shirkada Somtel
Wakaalada Xooga Korontada Eeneye
Iimaan Clinic
AL-Macruuf
Milkiilaha Xalwo Kismaayo
Xildhibaan C/rizaaq Muuse Maxamud (Dhagahore)
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje
Gudoomiyaha Degmada C.siciid Cismaan
Barnaamijkaan aysoo agaasimeen 3da dhalinyarada ah sidoo kalena ay garab istaageen Masuuliyiinta Gobolka Degmada Xildhibaan Dhagahore Masuliyiinta shirkadaha Somtel Eneye Imaan Clinic iyo almacruuf ayaa ahaa barnaamijkii ugu horeeyay oo noociisa laga hergaliyo magaalada Qardho.
















