Kulan loogu ducaynayey Marxuum Axmed Xasan Cowke oo Garowe lagu qabtay

Garowe(pp) Kulan loogu ducaynayo Allaha u naxariistee wariyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cowke oo dhowaan ku geeriyooday magalada Jigjiga ayaa maanta lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland.

Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo Machadka saxaafada Warsame Cabdi Shirwac ayaa kulankan ducada ah soo qaban qaabiyay.

Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo lasoo shaqeeyay dowladii hore ee Puntland ayaa alle uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo umaddii Soomaaliyeed ee uu ka baxay iyo ehelkiisa, Gaashaan waxa uu sheegay inuu ahaa Cowke wariye dadku wada jecel yihiin oo Wadani ahaa.

Cabdiqaadir Yuusuf Daahir oo waqti dheer aqoon u lahaa Axmed Xasan Cowke ayaa sheegay inuu ka naxay geeridiisa, isla markasna uu ahaa shaqsi sumcad ku leh umadda Soomaaliyeed, wuxuu ku tilmaamay Cowke Nin bulshada iskugu mid ah oo kaftan badanaa.

Daahir ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, wuxuuna illaahey ka baryay inuu Janadiisa ka waraabiyo.

Dadka yaqaana Axmed Xasan Cowke ayaa ku tilmaamay inuu ahaa ruux aan qabiil iyo qabyaalad shaqo ku lahayn oo umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto iskugu mid u ahaa.


Puntlandpost.com