Baladweyne(PP): Wararka aan ka helayno maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ay magaaladu dagan tahay kadib markii uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed.
Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa maanta bilaabay in lasoo afjaro dagaalka baladweyne iyagoo dhex dhexaadinaya dhinacyada ku dagaalamaya magaalada.
Xaafada Howlwadaag oo dagaalku ka dhacay ayaa shacabka dagaana ay ka barakeen waxaana la sheegay in dagaalku uu sameeyey xaafadaha kale oo shacabku ay ka baxeen.
12 Ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka sida la sheeagy tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen.
Dagaalku labada maleeshiyo u dhexeeya ayaa ah mid marar badan soo noq noqday,dagaalka shalay dhacay ayaana sabab ua ahaa kadib markii rasaas ku fureen ay mid kamid ah maleeshiyadu gaaro ay lahayd maleeshiyada kale.
Puntlandpost.com.